Kenya oo mar marsiyo cajiib leh u keentay hakinta dacwada badda

Hague (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa mar kale dowlada Somalia ka codsatay in la hakiyo Dacwada muranka Badda Somalia ee ka socta Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalladda Hague ee dalka Holland.

Githu Muigai oo ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya iyo Qareenada u kireysan dowlada Kenya ee qeybta ka ah Dacwada ayaa ku baaqay in Somalia ay aqbasho in la joojiyo Dacawda furan.

Githu Muigai waxa uu sheegay in Somalia aysan weli heysan xasilooni ku filan, sidaa aawgeed loo baahan yahay in si KMG ah loo joojiyo dacwada inta Somalia ay ka heleyso dowladnimo buuxda.

Githu Muigai, waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay Somalia ka dalbanayaan in gabi ahaan dacwada leyskala soo gudbo isla markaana ay arrintooda ku xalistaan wadahadalkii horay loo go’aamiyay.

Githu Muigai, waxa uu Maxkamada ka hor sheegay in dowlada Kenya ay aad uga xun tahay Dacwadaani isla markaana ay weli codsanayaan in la hakiyo in Somalia ay ka gaareyso heer wanaagsan.

Githu Muigai, waxa uu sheegay in Kenya aysan mudneyn in laga gudbiyo dacwado noocaasi ah, isagoo carab dhabay in taasi bedelkeeda ay diyaar u yihiin inay laba jibaaraan xal u helida degnaanshiyaha Somalia.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ka weecaneyso xaqiiqda waxa uuna tilmaamay in Kenya ay dooneyso in Somalia ay ka hesho waji furnaan leh oo ka fog hagardaamo Siyaasadeed.

”Kenya waxa ay diyaar u tahay inay xaliso muranka haddii ay Somalia ka laabato go’aankeeda lagu sii wadaayo Dacwada waxaan si ganbasho la’aan ah uga dalbaneynaa Somalia inay aqbasho hakinta dacwadaasi”

”Kenya ma mudna in sidaan loola dhaqmo, maxaa yeelay waxaa dalka Somalia dhiigooda ku daatay boqolaal Askar Kenyaan ah, waxaa looga baahan yahay in Somalia ay dib u milicsato abaalka ay faleyso Kenya”

Sidoo kale, Qareen Kariim Axmed Khaan oo u dhashay dalka Britain, kana mid ah Qareenadda Caalamiga ee ay Dowladda Kenya soo kireysatay, ayaa dhankiisa ka eedeeyay dowlada Somalia waxa uuna sheegay in Somalia ay bedelayso Kiiskaasi, kadib, markii ay xaqiiqsadeen inuu ansax yahay Heshiiski iIs-fahamka (MoU) ee ay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, waa sida uu hadalka u yiri.

Dowlada Kenya iyo Qareenadeeda ayaa cabsi ka qaba inay lumiyaan ugu yaraan Shan goobood oo ka mid ah Xuduud-baddeedka Saddex-geesoodka ee dhererkeedu yahay 100,000 o o KM oo isku Wareeg ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com