Kenya oo saldhigyada Shabaab ku tijaabineysa diyaaradaha dagaalka ee dhawaan lasiiyay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay howlgalin doonto diyaaradaha dagaal oo dhawaan ay ugu deeqday dowlada Mareykanka.

Kenya waxa ay sheegtay in diyaaradahaasi ay ku dul tijaabin doonto hawada deegaanada ay heystaan maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan deegaanada Jubbooyinka.

Wasiirka amniga Kenya Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay yihiin ilaa Shan kuwaa oo labo kamid ah ay yihiin nooca qumaatiga u kaca.

Wasiir Joseph Nkaissery, waxa uu tilmaamay inay bilaabayaan dagaal cir iyo dhul ah oo ay ku qaadi doonaan deegaanada ay maamulaan Shabaab.

Joseph Nkaissery, waxa uu cadeeyay inay diyaariyeen qorshaha lagu fulin lahaa weerarka, balse waxa uu tilmaamay in weerarka uu noqon doono mid u badan cirka.

Sidoo kale, Joseph Nkaissery, ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka Kenya ugu baaqay inay u diyaar garooban hogaaminta ciidamada dhulka ee qaadi doona weerarka.

Geesta kale, Joseph Nkaissery ayaa carab dhabay in Kenya ay heysato dhammaan agabkii ay u isticmaali laheyd duulaanka Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com