Keyga anaa iska leh kaagana kula lihi ma socon kartaa waqtigan?

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) waxay dadka Muqdisho badankood u heystaan ilaa iyo hadda in uu yahay qofka ay dhici karto in uu Soomaaliya dhibka ka jiro wax weyn ka baddali karo.

Ha noqotee madaxweynaha waxaa hor taagan caqabado farabadan oo u baahan in uu iska wareejiyo si uu u gaaro himilooyinka uu rabo. Marka laga yimaado mashaakilka xagga amniga iyo howsha uu ka wado,

Madaxweynuhu waa in uu ogaadaa in reer Muqdisho Soomaaliya oo dhan asaas u yihiin. Haddaan sii iftiimiyo waa kuwa kharashka dowladda bixiyo marwalba oo waliba maamul goboleeyada gacan siiya.

Madaxweynuhu in reer Muqdisho oo loo diidan yahay in ay Dowlad Goboleed noqdaan oo guddoomiye la magacaabay matalo meesha Gobollo yar yar ay rag madaxeyne yaal sheegto matalaan raali miyuu ka yahay? Waa caqabadda koowaad ee madaxweynaha ku hor gudban una baahan in uu caddaaladdi uu ballan qaaday meeshaas ka bilaabo siiyana xaqa reer Muqdisho u leeyihiin in ay qaranka matalaad ku yeeshaan, taas oo maqaamka madaxweynaha kor u qaadi doonta. Waxa madaxweynuhu ballan qaaday in uu kuwa musuqa sameeyo beero ku fali doono, su’aasha aan qabo shacbi badan oo soomaaliyeedna aan filayo in ay ila qabban ayaa ah 11kii bilood ee ay dowladdu jirtay musuq ma dhicin miyaa cid loo soo xiray oo shacbiga lala wadaagay ma jirtaa?.

Cidda diidan in Muqdishu maamul Gobleed yeelato ogolna in canshuurtana reer Muqdisho  laga qaado waxa ay ka mid tahay musuqa la rabo in madaxweynuhu meesha ka saaro. Muqdisho ha bixiso wixii lagu heshiiyo oo dhaqaala aha hana hesho xaqqeeda, waa middas mida xaqqa ah. Muqdisho oo marwalba canshuurta lagu kordhiyo waxa ay keeni kartaa in ganacsatadu meela kale u wareegto taas oo macnaheedu yahay arin siyaasadeysan ama la rabo in xamar horumarka lagala dagaalamo.

Caqabadda labaad waa in uu dastuurka sidii loo dhameystiri lahaa xoogga saaro si looga saaro meesha is qabqabsiga dowladda ka socon weyday, lana caddeyo Dowladda dhexe iyo maamul goboleeydayada in aaney isku dhicin oo dastuurku uu caddaayo wajibaadka lakala leeyah. Dastuurku waa in uu dhowraa diinteenna islaamka dadkeenuna aaminsan yihiin.

Caqabadda seddaxaad waa in dastuurka laga saaro waxa hadda loogu yeero Dowlad Goboleed iyo Madaxweyne Dowlad Goboleed si qaranimo loo helo looguna yeero Dowlad Goboleed iyo maamule Dowlad Goboleed taas oo ah maslaxadda mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed. Haddaan sidaas la yeelan oo aan Ummadda la’isku celin daneystayaal ayaa kala furfuri doona Ummaadaan qarannimana waa u dhammaan.

W/Q Dr. Eng. Ahmed Alasso