Khaliijka Carbeed waxay Soomaaliya u arkaan “Maxmiyad” ay leeyihiin

Somalia waxaa hoggaamiya dowlad taag daran oo aan la isku haleyn karin mowqifyadeeda xasaradaha calaamiga ah. Qaska siyaasadeed ee Somalia loogu diidan yahay in ay noqoto dal leh awood siyaasadeed ee madaxbannaan, waxaa hoggaaamiya, waxa lagu sheego, “beesha caalamka, dowladdaha deriska ah iyo kuwa carabeed, qaasatan dowladaha Khaliijka”. dowladahaas ayaa maaro looga heli la’yahay in horumar laga sameeyo siyaasadda arrimaha dibada iyo amniga qaranka intaba.

Culeyska dowladda Somalia ka haysta siyaasaddeeda arrimaha dibada ayaa mar walba lagu saleeyaa si male-awaal ah, iyada oo lagu la maaninaayo danaha qarameed ee dowladahaas aan kor ku soo sheegnay, sidaas darteed, macno ahaan, haddii Somalia qaadato mowqif caalami ah kama madax bannaan doonto khaasatan, danaha Itoobiya iyo kuwa Khaliijka Carbeed.

Itoobiya waxay siyaasadaheeda ku saabsan danaha ay ka leeydahay Somalia, waxay mar kasta ku xakameysaa qaddiyadaheeda amniga ee mandaqada iyo danaheeda dhaqaale, halka dowladdaha Khaliijkana waxay u aqoonsan yihiin Somalia inay tahay maxmiyad aan ka maarmi Karin ama la nool sadaqadaheeda.

Qalaasaha diblumaasiyadeed ee maanta ka taagan Khaliijka waxay abuuri kartaa saameyn ah Somalia, inay gasho marxalad mugdi ah madaxbannaanideeda qarameed iyo aayaha siyaasadaheeda ku saabsan danaha mandiqada. Inkastoo dowladda Somalia qaadatay mowqif dhexdhexaadnima ah, haddane waxaa lagu tilmaami karaa inaysan aheyn wax la isku haleyn karo marka loo fiiriyo danaha culeys-saarka ee ka imaanaayo dowladaha is heysta ee khaliijka oo ah “labo daran mid dooro”, ama haddii si kale loo dhaho taasoo ka timid dhaqdhaqaaqa dibloomaasiyadeed ee xulufada Sacuudigu hoggaaminaayo iyo dowladda Qatar ay Somalia ka doonaayaan in mid walba in ay hesho taageero siyaasadeed.

Danaha Somalia ee ku saabsan xiriirka Sacuudiga iyo UAE waa mid ballaaran. Xoolaha nool ee Somalia laga dhoofiyo sanad walba suuqooda caalamiga ee ugu weyn waa Sacuudiga, halka Imaaraadkana ay tahay saldhiga ganacsiga ee xarunta u ah ganacsatada Soomaaliyeed, haddey yihiin wax keenid iyo dhoofid. Labada dalna waxaa laga helaa kaalmo aan laheyn saldhig iyo ujeedooyin siyaasadeed oo waa-weyn, iyadoo waxtarka laga helo ee labadaasi dal u arkaan wax aan dhaafsiineyn xadka sadaqada.

Mudadii 27 sano ee Somalia ku jirtay qalalaasaha dowladahaas lagama helin wax haba yaraatee gurmad iyo kaalmo waxtar u leh xataa aadanimada.

Dowladda yar ee Qatar ee dhaqaalaha badan leh, waxay Somalia u tahay dowlad aan la taaban karin, sababtuna waxay tahay waxaa ku lamaanan dowladda Turkiga oo ah dalka ugu weyn dunida ee Somalia kasoo saaraayo mugdiga iyo dib u dhaca ay ku jirtay mudada dheer, xag amni iyo dhaqaale daraadood intaba.

Haddii Somalia lugta ku dhufato, xiriirka Qatar waxay la macno tahay iyadoo Somalia lugta ku dhufatay xiriirka adag ee waxtarka badan leh ee Turkiga.

Dabayaaqadii sannadkii la soo dhaafayo iyo horaanta bilahaan ee sannadkan cusub, waxaa muqdi ku jiray xiriirka Somalia iyo Imaaraadka, kadib markii Imaaraadka loo arkay inay faragelin ku sameyneyso doorashooyinkii madaxtinimada ee Somalia, sidoo kale, waxay Imaaraadka heshiisyo la gashay maamulka gooni u goosatada Somaliland oo ay ka sameysaneyso saldhig milateri ee loogu duulaayo dalka Yaman iyo dhismaha ballaarinta dekadda Berbera oo ay la wadaageyso wax-dheefkeeda dowladda Itoobiya.

Tallaabooyinkii Imaaraadka waxay si xadgudub ah uga xagal daacineysaa midnimada qaranimada iyo karaamada madaxbannaanida Somalia. Sidaasi si la mid ah waxay heshiis kula gashay dowladda Itoobiya dhismaha iyo ballaarinta dekadda Bosaso oo heshiiskeedu soo saxiixay Hoggaamiye beeleedka Puntland iyo mid cusub oo miiska hadda saaran in lagu dhiso dekadda Baraawe oo uu saxiixeeda la diyaar yahay hoggaamiye beeleedka fadhigiisa yahay Baydhabo.
Sidaasi si la mid ah Imaaraadku ciidamada uu ku tababaray Xamar ma ahan kuwo ka amar qaata talliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waana ciidan si toos ah ugu xiran amar qaadashada dowladda Imaaraadka.

Imaaraadka waxaa lagu tilmaami karaa dal si weyn ugu qeyb qaadanaaya burburinta midnimada, madaxbannaanida iyo ammaanka qaranka Somalia, waxaana shaki la’aan la hubaa Sacuudigana inuu arrintaasi la qabo UAE.

Nin la yiraahdo C/risaaq Jurila oo ah Senator-beeleed ka tirsan aqalka sare, wakiilna u ah danaha Puntland, ayaa baaq uu soo saaray ku sheegay in ay Somalia ogolaato in lala safto xulfada Sacuudiga, sababna, wuxuu ugu dhigayaa danaha Puntland ka leedahay dekadda Bosaso oo shirkadda DP World lagu wareejiyay maamulkeeda. Wuxuu ninkaasi si dadban u diiden yahay dadaalka iyo howlaha horumarineed ee Turkiga shuruud la’aan walaalnimo ku dhisan uga wado caasimada Somalia ee Muqdishoow.

C/risaaq Jurile, xiligii kaligii taliyahii Siyaad Barre, waxaa madax looga dhigay mashaariicdii masuqmaasuqa dartii u fashilmay ee FAI ka hirgelineysay Somalia. Haddana wuxuu rabaa inuu fashiliyo danaha qarameed ee Somalia, isagoo tixgelinaayo dano beeleedka Puntland.

Hadda iyo dan, shacbiga Soomaaliyeed iyo qarankoodaba waxay dani ugu jirtaa in qalalaasaha Khaliijka dhexdhexaad laga noqdo, danna aan laga gelin waxyaabaha ay isku haystaan, kaliya tixgelin weyn la siiyo Soomaali ah mushkilada ballaaran ee na heysta sidii looga bixi lahaa.

Mar kasta oo Somalia tallaabo haddii ay horay u qaato, waxaa caqabad ku noqdo, danno dowladdo kale iyo adeegayaal Soomaali ah, lehna ajandooyin guracan ee aan dhaafsiisnayn dano beeleed, iyadoo la iska dhega tiraayo danaha waaweyn ee dowlad iyo shacbiba lagu mideysan yahay ee qaranimada Somalia.

W/Diyaariyay Ali Muhiyaddiin

Warfaafiye Editor
Facebook.com/sheekha2

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid