Sawirro cusub: Khasaaraha Ismiidaamintii ka dhacday Saldhiga Waabari oo Kordhay & Wasiir kamid noqday dadka dhintay

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo Magaalada laga maqlay, ayaa waxaa fuliyay qof naftiis halige ah oo gaari uu kaxeynaayay ku dhuftay Saldhiga Darbigiisa.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ciidamo farabadan oo ka tirsan Saldhiga Waabari, waxaana la sheegayaa in dhimashada ay iminka gaartay 12 ruux oo ay ku jiraan ciidamo dhowr ah.

Dadka dhaawacmay ayaa tirro ahaan la xaqiijiyay inay gaarayaan ilaa 16 ruux, oo ay ku jiraan ciidamo la socday Taliyaha Saldhiga oo xiligaa ku sugnaa afafka hore Saldhiga.

Dadka dhintay ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland, kaa oo degnaa Guryaha ku dhagan Saldhiga.

Wasiirka ku dhintay Qaraxa ayaa ahaa Wasiirka dhalinyarada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-Libaax).

Geerida Wasiir Aw-Libaax ayaa waxaa Saxaafada u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Juballand.

Waxaa tirada dhimashada kordhiyay darbiyo kusoo dumay dad shacab ah oo ilaa galabta laga soo hoos saarayay meydadkooda.

Sidoo kale, Saldhiga ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan, waxaana khasaare uu soo gaaray gaadiid badan oo yaalay hareeraha Saldhiga Degmada Waaberi kuwaa oo gubtay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xilliga Saldhiga qaraxa lagu weeraraayay ay halkaasi ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya.

Waa qaraxii labaad ee todobaad gudihiisa ka dhaca Magaalada Muqdisho oo dad shacab u badan waxyeelo ay ka soo gaarto.