Khasaaro intee la eg ayaa ka dhashay dagaalkii ciidamada xasilinta iyo kuwa militeriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal dhexmaray ciidamada xasilinta caasimada iyo kuwa Militeriga kaa oo ka dhacay deegaanka Haanta Dheere ee Degmada Dayniile.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada xasilinta kadib markii ay ka shakiyeen xerada ay degnaayen ciidamada Militeriga oo ku taal deegaanka Haanta Dheere.

Weerarka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada xasilinta ay isku dayeen inay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidamo Militari ah oo deegaanka Haanta Dheer Saldhig ciidan ku lahaa.

Ciidamada Militeriga ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid dhanka ciidanka xasilinta, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad labada dhinac dhexmaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Militariga ay fuuleen dhismaha Haanta dheer, halkaasi oo ay kala dagaalamayeen ciidamada Xasilinta, iyadoo ay adkaatay in ciidamada halkaasi laga dajiyo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga ee ku sugnaa Xaafadda Haanta dheer ee degmada Hodan ayaa sheegay inay ka adkaaden ciidamada Xasilinta.

Xaafadda Haanta dheer ayaa fariisin u ah ciidamo ka tirsan Guutadda Saddexaad ee ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ciidamadii weerarka lagu qaaday ayaa hadda gacanta ku haaya degaanka Haanta dheer ee degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyay Shan ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo aad u farabadan oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka deegaanka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com