Khatar shan dhinac ah oo soo wajahdey maamulka Puntland

Puntland waxay noqotay laan gebi ka lulatay oo duufaani ligligayso, haddaan dadkii dhistay cayminna waa la isweydiin doonaa. Waxay Puntland eersatay oo isug isugu darsamay aafo shan-madaxley ah:
1.    Hoggaan-xumo iyo siyaasad majaro-bawdey oo ay seegtay meekhaankii iyo miisaankii ay Somali ku lahayd. Waxaa isku milmay laameheedii sharciyeed sida madaxweynii, af-hayeenkii barlamaana iyo xeer-ilaalinteedii. Waxaa lagu khasbay inay hayin u noqoto xoogag shareed oo Soomaaliya bohol ka sii ridaya. Waxay seegtay wax-curiskii siyaasadeed oo Soomaaliya ay marjaca ugu ahayd.
2.    Abaar gaag-ma-reebto ah oo dad iyo duunyaba sii galaafanaysa oo weydey dawlad ka damqanaysa oo caymo ku daydayeysa. Taasi waxay ku soo moostay dhaqaale-burbur raagi doona oo dhaxalsiin doona in ammaankeedu dhumo oo wixii ka soo haraa ay dad-qalatoobaan.
3.    Colaad labo jiho ka soo abaabulan oo isgarabsanya oo heshiis ku ah inay Puntland ay saaxadda siyaasadda Soomaaliyeed ka baxdo halkii dawladdeedu ka caymin lahayd ay ama ku taageerayso ama ayanba dan iyo heello ka lahayn. Puntland oo ahaan jirtey buqcaddii xasilloonida iyo degganaansha loogu soo duggaali jirey waxay ku sii sidbaynaysaa inay noqoto ishii holaca colaadeed. Magaaloohinkeeda waa waaweyni waxay ku sii sidbanayaan inay noqdaan Muqdisho kale.
4.    Doorashadii 2016 ee labada aqal oo federalka loo dooro oo  lagu maamulay nin-jeclaysi loogu danaynayo murashixiinta hadda taladii dalka Soomaaliya dalawga ka sii tuuraya. Taasi waxaa loo maray in golayaashaas laga soocamiyo halyeyadii looga bartay inay Puntland u ahaayeen tiirarka sal adag oo negi.
5.    Midnimadii shacabka reer Puntland oo wiiqantay. Taas waxaa sabab u noqotay karti-xumada iyo aragti-gaabnida hoggaankeeda siyaasadeed oo yeelan waayey aragti fog.  Waxay maanta joogtaa in shacabkeedii midaysnaan oo uu isu muuqdo.
Baaq ku wajahan Shacabka Dhul-Udug:
Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqayaa inay u istaageen sidii ay Puntland u badbaadin lahaayeen, golihii shacabka oo ay soo doorteenna ay ugu la xisaabtami lahaayeen gaabiska himilooyinkoodii ku yimid oo dhaxalsiin doono inay jiritaan beesho. Xigmad caalami ah weeye in madax xumi ay ka timaaddo shacab xun. Badbaadaasi waxay imaan kartaa in shacabku midnimo ku wajaho ee uusan dhabiiltan hoose oo qoyseed wax ku maamulin.
Qalinkii: Xil-dhibaan Cabdibarre Yuusuf Jibriil(Geesiga-Qaranka)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com