Kheyre ma ka shalayn doonaa go’ankii uu xildhibaanada ugu dhigay wasiiro?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu siiyey inta badan golihiisa wasiirada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa inay midaas caqabad weyn ku noqon doonto, iyadoo lagu tilmaamay inay tahay arrin lagu fududaaday oo aan laga fiirsan.

Xasan Cali Kheyre ayaa gacantiisa ku raadsaday kuleel iyo hollac siyaasadeed kadib markii uu wasiirada ugu badan siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya iyadoo ay durba bilaabatay mucaarad xoggan oo ka dhalatay arrintan.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay sii kordhayaan tirada xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee diidan golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay in ku dhowaad 100 xildhibaan ay saxiixeen liis lagu ururinayo xildhibaanada aan codkooda siin doonin golaha wasiirada oo ansixin ugu baahan baarlamanka.

Xildhibaanada diidan dowladda ayaa isugu jira saddex koox oo dano siyaasadeedyo kala duwan leh, balse isku biirsaday in dowladda aysan ka gudbin baarlamanka.

Arrinta ugu weyn ee keentay Khilaafka ayaa lagu tilmaamay inay tahay loolan xooggan oo ka dhaxeeyo Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya oo aan ku qanacsaneyn in qaarkood laga dhigo wasiiro halka qaar kalana la qadiyo iyadoo aysan macquul aheyn in dhammaan Xildhibaanada laga dhigo Wasiiro.

Ujeedka ugu weyn ee uu Xasan Cali Kheyre wasiirada badan u siiyey Xildhibaanada ayaa ah inuu golihiisa wasiirada u helo codadka Xildhibaanada balse waxay arrinta noqotay mid ka duwan taas kadib markii ay ka xaqaaneyn Xildhibaano badan oo iyagana rabay inay wasiirada kasoo muuqdaan.

Marka la fiiriyo sida ay hadda xaaladda tahay iyo dhaqdhaqaaqyada ka socdo Muqdisho waxaa la saadaalinayaa in golaha wasiirada aysan helin doonin ansixinta Xildhibaanada ama waxaa laga yaabaa inay si dhib ah kaga gudbaan.

Haddii ay Xildhibaanada ansixin waayaan wasiirada cusub, go’aanka kaliya ee uu Xasan Cali Kheyre qaadan karo ayaa ah inuu liiska wasiirada oo dhan ka saaro Xildhibaanada oo dhan isla markaasna uu soo magacaabo wasiiro kale oo laga soo xulay meel ka baxsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in go’aankaas uu ahaa mid aan la mahdin una abuuray dowladda mucaaraddada xildhibaano ka badan kuwa la qanciyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com