Kheyre oo ballanqaad cajiiba u sameeyay dhalinyarada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka shaqeyneyso sida camal loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiis ay dajineyso qorsho fog oo shaqooyin kala ceyn ah loogu abuurayo dhalinyarada, waxa uuna meesha ka saaray in Xukuumada ay gabtay howlaheeda.

Kheyre waxa uu tilmaamay in si gaara ay uga wada hadleen sidii fursado shaqo ay u heli lahaayen dhalinyarada waxa uuna arrin laga naxo ku tilmaamay in kumanaan kun oo shacaba ay xiligaani ku nool yihiin shaqo la’aan.

Waxa uu tilmaamay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay dalkooda uga shaqeysan lahaayeen, isla markaana uga maarmi lahaayeen dalalka shisheeye.

Hay’adaha kala duwan ee taageera DFS ayuu sheegay inay kala hadli doonaan sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen xarumaha waaweyn ee dalka sida warshadihii dalka uu lahaa, taasi oo soo dedejin karta shaqo ay helaan dhallinyarada.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan uu Madaxweynaha Somalia ballanqaaday shaqo abuur uu u sameyn doono dhalinyarta.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com