Kheyre oo go’aan cad ka qaatay xil ka qaadistii uu sameeyey wasiir Juxa!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa aqbalay xil ka qaadistii uu wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ku sameeyey xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Prof. Yaxye.

Khilaaf xooggan ayaa ka dhashay xil ka qaadistaas markii ay wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha ay ka hor imaadeen xil ka qaadistii uu sameeyey wasiir Juxa, waxayna ku tilmaameyn arrintaas mid aan sharci aheyn.

Markaas kadib waxaa xil ka qaadistii soo farageliyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasoo sheegay inay saxan tahay xil ka qaadistii uu sameeyey Juxa isla markaasna ay lagama maarmaan tahay inuu xilkiisa wareejiyo.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa xaqiijinayo inuu Ra’isulwasaare Kheyre u yeeray Prof. Yaxye isla markaasna uu ku amray inuu si deg deg ah xilka ugu wareejiyo xoghayaha kumeel gaarka ah ee xilkaas loo magacaabay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ka laabaneyn xil ka qaadistaas, midaas ayaana keentay inuu Kheyre aqbalo isla markaasna uu Yaxye ku amro inuu xilkiisa wareejiyo sidoo kalana uu ku qanco xil ka qaadistaas.

Sida aan idinkula wadaagnay warbixinadeenii hore, Prof Yaxye ayaa macsalaameeyey shaqaalaha wasaaradda, waxaana saakay xafiiskiisa lagu arkay xoghayaha cusub ee uu Juxa u magacaabay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com