Kheyre oo hub ka dhigis ku dhawaaqay iyo mas’uuliyiin laga qaaday hubka waa weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaga dhawaaqay howlgal lagu uruurinayo Hubka waaweyn.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay maanta bilaabayaan Hub uruurinta, waxa uuna cadeeyay in Hubka la uruurinaayo ay yihiin kuwa waaweyn.

Ku dhawaaqida Kheyre kadib ayaa waxaa Hub ka dhigis lagu sameeyay mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya dowlada kuwaa oo isticmaalayay Hubka waaweyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay wateen Gawaari ay saaran yihiin qoryo waaweyn ayaa lagu bilaabay Hub ka qaadista.

Mas’uuliyiinta Hub ka dhigista lagu sameeyay ayaa waxaa ku jira Taliyayaal ciidan oo xilal waaweyn ka haya DFS, sida uu sheegay Kheyre.

Howlgalada uruurinta Hubka waaweyn ayaa sidoo kale ka socda qeybo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in maalin waliba hal Degmo lagu sameynaayo uruurinta Hubka.

Dhawaan ayay aheyd goortii Golaha Wasiirada ay shaaciyeen in magaalada Muqdisho laga mamnuucay Hubka ka waaweyn AK47.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com