Kheyre oo meel dhow wax ka tusay Jawaari kadib markii uu kala garan waayay qaranka iyo qabiilka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa si kulul uga hadlay diidmada Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Kheyre ayaa sheegay in Wasiirada uu kusoo xulay Hanaan ka duwan kuwii hore, waxa uuna carab dhabay inay khaldan yihiin kuwa ka tirsan BFS ee sida Khaldan wax u fasiraaya.

Kheyre oo si dadban fariin ugu diray Jawaari ayaa sheegay inay dhamaatay xiligii leysku khasbi jiray arrimaha Khabiilka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in waxa ay tiigsanayaan uu yahay maslaxad Qaranka.

Kheyre waxa uu cadeeyay inay mudan tahay in Xildhibaanada isku khaldaaya Qabiilka iyo Qaranka ay ka waantooban waxa ay ka doorbidayaan Qaranka.

”Waa arrin nasiib darro ah in Qaranka laga dhigo wax aan miisaan laheyn iyadoo laga doorbidaayo qabiilka, waxaan leeyahay ka dhabeeya Kitaabka aad ku dhaarateen”

Geesta akle, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale Guddoomiyaha BFS Jawaari ugu baaqay inuu qaato maslaxada shacabka isla markaana ka tago waxa uu ku taagan yahay ee ah Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com