Kheyre oo sheegay caqabada kaliya ee hortaagan dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada online) – Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa u sheegay ciidamada howlgalada gaarka ah ka sameynaya magaalada Muqdisho in looga baahan yahay inay si wanaagsan ula macaalimaan shacabka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarahe Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in caqabada kaliya ee heysata Shacabka Soomaaliyeed inay tahay amaanka, isagoo cadeeyay haddii aan la helin in wax horumar ah aan laga gaari karin dalka Soomaaliya.

Ciidamada la doonayo inay howlgalka gaarka ah ka sameeyaan magaalada Muqdisho ayuu kula dardaarmay si amaankaasi loo heli marka hore inay abuurtaan kalsoonida shacabka oo ay isla wada shaqeeyaan.

“Dadka Soomaaliyeed ee aad u tageysaan waa inaan ixtiraamnaa, waan idiin amaaneynaa wax walbaa oo aad xaq u leedihiinna waad heleysaan, laakiin waa inaad shacabka si wanaagsan ula macaamishaan”ayuu yiri Mr Kheyre.

Dhinaca kale wuxuu si cad u sheegay in caqabada Soomaalida heysata inay tahay amni haddii la helana horumar kastaa la gaari karo.

“Haddii aan amni jirin, adduunyada nalama dhaqmi karto, haddii aan amni jirin dhaqaalo lama helayo, haddii aan amni jirin horumar lama gaarayo, balse waxaan idinka codsanayaa inaad soo celishaan sharafta iyo karaamada dalkaan uu lahaa”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.