Kheyre oo warqadii Jawaari kadib maciin biday qorshe kale oo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa si rasmi ah u bilaabay la kulanka Odayaasha Dhqanka Beelaha Soomaaliyeed kadib warqadii kasoo baxday Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kullankiisa diirada ku saaraya xal u helida Khilaafka ka dhashay magacaabida Golaha Wasiirada.

Odayaasha uu kullanka la qaadanaayo Kheyre ayaa u badan Odayaasha Koonfur Galbeed iyo Hawiye oo uu ka dhex aloosan yahay khilaaf salka ku haya awood qeybsiga Golaha Wasiirada.

Kheyre ayaa Odayaasha ka dhaadhicinaaya inay u laab qaboojiyaan Xildhibaanadooda ku jira BFS ee kasoo horjeeda meelmarinta Golaha Wasiirada.

Kullanka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Odayaasha ayaa bilowday saacado un kadib markii ay soo baxday Warqada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Warar hoose ayaa sheegaya in Xildhibaanada kasoo horjeeda meelmarinta Golaha Wasiirada ay u badan yihiin qaar kamid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye iyo Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, waxaa shaki laga muujinayaa in Kheyre uu xal u heli karo Khilaafka ka taagan Hanaanka lagu magacaabay Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com