Warbixin: Axmed Madobe & siyaasiyiin caan ah oo Kismaayo ku kulmay xalay

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas ay xaley ka dhaceen kulamo looga hadlaayo siddii loo dhammeestiri lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.

Kulamada oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Madooobe, labadiisa ku xigeen, siyaasiyiin, odayaal iyo qurbo joog  dibedda ka timid.

Waxaa kaloo kulanka joogay Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen, kuwaasoo dagaallo kula galay magaalada Kismaayo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mardhow la soo dhammeestiri doono maamulka Jubba, wuuxuna sheegay in magaalada ay soo gaareen rag culus oo ka soo horjeeday maamulkiisa, kuwaasoo ka yimid Muqdisho iyo Gedo sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, magaalada Kismaayo waxaa ka socoda ololo ballaaran oo lagu doonayo siddii maamulka Axmed Madoobe loogu dari lahaa raggii mucaaradka ku ahaa, kuwaasoo xilal loo dhiibaayo, si loo soo afjaro khilaafka curyaamiyay maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com