Uganda iyo Kenya oo berri cayaari doona finalka Cecafa Cup.

Kampala (Caasimada Online) Kooxaha qaranka Uganda iyo Kenya ayaa soo gaaray ciyaarta kama dambeesta ee koobka bariga iyo bartamaha Africa, oo hadda ka socda waddanka Uganda.

Labada xul ayaa maalinta berri isku arki doona markale ciyaarta Finalka koobka Cecafa Tusker, kaddib markii khamiirtii ay kala badiiyeen kooxaha Tanzania iyo Zanzibar.

Uganda waa kooxda ugu badan ee ku guuleestay koobkan, waxana ay hadda dooneysaa siddii ay  mar kale ugu guuleesan lahayd.

Taageerayaasha labada xul ayaa magaalada Kampala ee caasimada Uganda ka sameeyay olale ay ku doonayaan in mid kasta uu ku guuleesto koobka.

Koobkan kooxda ku guuleesata waxa la siin doonaa abaal marin lacageed oo gaareysa 3,000 oo dollar,halka kooxda kaalinta labaad la siin doono 2,000 oo dollar kooxda kaalinta seddaxaadna waxa la siin doonaa 1,000 dollar.

Kooxaha ka qeybgalay koobkan bariga iyo bartamaha Africa waxa ka mid ah kooxda Soomaalida, seddaxdii kulan waxa laga dhaliyay 13-gool halka hal gool uun ay keesadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala