Xildhibaan ka tirsan Jubaland oo Kismaayo lagu dilay oo xog laga helay dilka

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegayo in  halkaas lagu toogtay XIldhibaan ka tirsan maamulka Jubbland.

Dabley hubeysan ayaa Xildhibaanka ku toogtay Xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo, waxaana lagu magacaabaa Xildhibaanka la dilay C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras)

Sida wararka sheegayaan Dableyda hubeysan ayaa meesha isaga carartay marka ay falka geysteen, lamana yaqaan cidda falkan ka dambeyso.

Ciidamada ammaanka Jubbaland oo gaaray halka uu dilku ka dhacay, ayaa waxaan jirin cid la sheegay inay dilkiisa u soo qab qabteen, inkastoo ay weli wadaan baaritaanka ku aadan fal dembiyeedka dhacay.

Qoyska, ehelada iyo asxaabta marxuumka, ayaa waxay soo dhoobteen Isbitaalka Guud Kismaayo, oo daqiiqado ka hor meydkiisa la geeyay.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo qaarkood, ayaa waxay isla dhex marayan warar kala duwan oo ku aadan dilka ninkaasi, iyadoo dadka qaarkii ay leeyihiin niman ay is hayaan, ayaa dableyda ku soo dalbatay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com