Kulan aan caadi aheyn oo Villa Hargeysa ka socda (Musharax xildhibaano badan la shiraya)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in kulan aan caadi aheyn uu hadda ka socdo Villa hargeysa, kaa oo u dhexeeya Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cusmaan oo Caawa Casho u sameeyay Xildhibaanada cusub, ayaa waxaa la sheegay in ujeedkiisa uu yahay in Xildhibaanada uu ka dalbado in mar kale ay u doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub.

Waxaa ku sugan goobta Xildhibaano kor u dhaafay 60 kuwaa oo isugu jira Xildhibaano hore iyo kuwo cusub, waxa uuna Jawaari halkaasi ka jeediyay Khudbad kooban.

Jawaari waxa uu Xildhibaanada u sheegay inuu yahay Musharax isbedel doon ah, isla markaana xiliga la joogo uu doonaayo Codadkooda.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale, halkaasi ka jeedin doona Khudbado kooban oo ay ku muujinayaan kalsoonidooda ku aadan Jawaari.

Ma cadda in Xildhibaanada ay taageero u muujin doonaan Jawaari iyo inkale, maadaama ay jiraan Musharaxiin kale oo miisaan leh una taagan Xilka Guddoomiyenimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com