Lampard oo soo dhoweeyey Tiknoolajiyada Xariiqda goolka.

Frank Lampard ayaa u hiiliyey Tiknoolajiyada Xariiqda Goolka wuxuuna sheegay inay kubada cagta kusoo dari doonto ‘Indha-sarcaad’ marka sida rasmiga ah daaha looga qaado.

Chelsea ayaa noqon doonta kooxdii ugu horeysay England ee aaladaan loo isticlaamo iyadoo ay sheegi doonto hadii kubadu ay dhaafto Xariiqda goolka.

Waxay la ciyaari doonaan kooxda Mexico ka dhisan  Monterrey kulan ka tirsan Club World Cup, iyadoo uu Garsooraha goolku raad raacayo, kooxda Brazil ka dhisan Corinthians oo 1-0 kusoo dubatay Kooxda Al-Ahly ayaana Finalka ku sugeysa tii soo gudubta labadaan koox.

Lampard ayaa u hiiliyey Tiknoolajiyadaan ka dib markii laga diiday gool Xariiqda dhaafay kulan uu xulkiisa England ka hor yimid Germany Koobkii Aduunka 2010, Markii dib loo daawaday ayeyse u akaatay gool rasmi ah bale waa la diiday.

“Waa muhim in la soo saaro wax ka badan intaan. In lagu soo daro Tiknoolajiyadaan si ay u qeyliso marka kubadu dhaafto diilinta. Waxay noqon doontaa Indha-sarcaad,” ayuu yiri 34-jirkaan.