Liiska musharaxiinta Galmudug oo la shaaciyay

Cadaado (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug, ayaa goordhow shaaca ka qaaday inay u guda galeen qabanqaabadii ugu danbeysay ee lagu qaban lahaa doorashada maamulka Galmudug.

Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay in leyskala soo talaabay howlihii suuragalin lahaa doorashada, waxa uuna sheegay in doorashada ay uga harsan tahay keliya Saacado.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Magaalada Cadaado laga dareemayo Ololaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la filayo in Maalinta berri ah oo 30-ka Bishaan ay ku beegan tahay Magaalada Cadaado ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu tilmaamay inay kala Madax banaan yihiin Wadahadallada Galmudug iyo Ahlusunna iyo Doorashada Madaxweynaha ee Maamulka.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in Guddiga uu ilaa iyo hadda diiwaangaliyay Seddex Musharrax oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug kuwaa oo kala ah:

1-Axmed Xaaf Ducaale Geelle.

2-Axmed Shariif Cali Hiloowle.

3-Prof Cabdulqaadir Shirwac.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar ayaa sheegay in doorashada ay noqon doonto keliya mid u dhexeyn doonta Seddexda Musharax.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka waxaana sidaa ku fashilmay rajadii laga qabay wadahadalka Ahlusunna.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET