Liverpool oo dooneysa inay laba bil oo amaah ah kula soo wareegto Didier Drogba.

Liverpool ayey macquul tahay inay Didier Drogba usoo dhaqaahiso Anfield waxayna ku dooneysaa laba bilood oo amaah ah marka uu bisha soo aadan soo afjarmo Horyaalka Shiinuhu, Reds ayaana dooneysa inay xidigaan ku xaliso dhibaatada ka heysata dhanka weerarka, laakiin waxaa laga yabaa inay ku guul darreysato sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Drogba ayaa xilli ciyaareed la dhameysanaaya Shanghai Shenhua wuxuuna bisha soo aadan ku laaban doonaa England si uu laba bilood tabbabar ugu soo qaato ka hor inta uusan xulkiisa Ivory Coast bisha Janaayo kala qeyb gelin African Cup of Nations.

Drogba ayaa ku laaban doona koox Premier League ka ciyaarta bilaha November iyo December si uu u ilaasho qaab ciyaareedkiisa wuxuuna uga baahan yahay fasax kooxdiisa ka dhisan Shiinaha iyadoo uu markaasi ku biiri karo koox ka dhisan EPL inta uu fursan yahay suuqu bisha Janaayo.

Liverpool, oo ku guul darreysatay inay Clint Dempsey lasoo saxiixato bishii August daqiiqadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ka dibna amaah isaga diray Andy Carroll oo ku biiray West Ham, ayey macquul tahay inay lasoo saxiixato Drogba kuwaas oo doonaya inay kula sii meel gaaraan inta ay Janaayo ka helayaan weeraryahan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.