Liverpool oo ku biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Sneijder.

Sida ay qorayaan wargeysyada kasoo baxa dalka Italy Wesley Sneijder ayaa diirada u saaran kooxda Liverpool oo dooneysa inay lasoo saxiixato.

Warkaan xanta ah ayaa bogga hore kaga daabacnaa wargeysla La Gazzetta dello Sport kaasoo cadeeyey inay Reds horaanba heshiis la gaartay Inter Milan oo ay sida macquulka ah ugu kaxeysaneyso Sneijder.

Liverpool ayaa la dareensan yahay inay soo dhaqaajin karti 28-jirkaan kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 9.5 milyan oo ginni Inter ayaana door bidi karta inay iska iibiso Sneijder kaasoo Isbuucii mushaar ahaan kooxda kaga qaata 200 kun oo  ginni diidayna inuu dhimo.

Si kastaba, mushaarkiisa faraha badan ayaa laga yaabaa inuu hor istaago Liverpool, xilli laga yaabo in lagu garaaco Sneijder iyadoo uu Gazzetta cadeeyey in milkiilayaasha u dhashay America ay isha ku hayaan inay kooxda kusoo celshaan waayaheedii guulaha.

Sneijder ayaa la aaminsan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester United, halka uu Sir Alex Ferguson xidigaan si dhab ah u doonayo balse tababaraha Scottish-ka ah ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu Janaayo lasoo wareego wax ciyaartoy ah.

Kooxo kale ayaa lala xiriirinayaa Sneijder marka lagu daro Tottenham, Schalke, PSG iyo Anzhi laakiin sida muuqata laba koox oo keliya ayaa awood mushaarkiisa.

Sneijder ayaa u sheegay wargeyska Holland kasoo baxa ee De Telegraaf ka hor feystada Kirishtaanka: “Sida iska cad qof walba waa ay u fiican tahay hadii aan tegaayo inta lagu jiro bisha Janaayo.

“Hadii aysan midaasi dhicin, markaas waan joogi doonaa. Waxaan Inter kula jiraa qandaraas ilaa June 2015ka ah.”