Lixda ilmo xoogsade Allaa u maqan (Qyebtii 2-aad ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga)

(Qeybta 2-aad ee ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga). Halkan ka aqriso qeybtii koowaad

MACAAMILKA ILMO XOOGSADE IYO ILMO XUKUN KU NOOL IYO FIRQIGA U DHEXEEYA

ILMO XOOGSADE oo ah kuwo an is dhageysan, wax garadkoodana aad u xaqira gaar ahaan kuwa ay farta ku fiiqaan ILMO XUKUN KU NOOL ayaa waxaa DAN QARAN kala dhaxeysaa ILMO XUKUN KU NOOL oo  ku ballama mar mar in ay maamul guud ee dowlad qaran wada dhisaan. ILMO XUKUN KU NOOL oo u arka ballantaas mid aad u kulul (very serious) iyo jihaad ay la galayaan ILMO XOOGSADE dhanka siyaasadda ayaa u soo dirada madasha kulanka khubaro aqoon iyo waayo aragnimo u leh  arrimaha looga hadlaayo ballantaas si maskaxiyan ugu hoggaamiyaan kulanka.

Dhanka kale, ILMO XOOGSADE ayaa  u soo dirsada madasha kulankaas muhiimka ah dhilin yaro qaarkood jaamacado Somali uga baxay burburki kadib iyo qabqable yaal an wax fikir ah ka haysen taariikhdii la soo maray. Kulamada noocaas ah ayaa marmar lagu doortaa shaqsiga noqonaya hoggaanka ugu sareeya ee maamula dalka.

Hoggaanka lagu doorto kulankaas ayaa inta badan waxaa madax ka noqda mid ka mid ah ILMO XOOGSADE  oo ay majaraha u hayaan ILMO XUKUN KU NOOL. Mararka qaarna waxaa lagu doortaa mid ay soo dirtan ILMO XUKUN KU NOOL oo ay codkooda siiyaan ILMO XOOGSADE khilaaf dhexdooda ah dartiis.

Kadib marka madasha ninka madaxda ah lagu doorto ayaa ILMO XUKUN KU NOOL ku kaftamaan, “MA ARKEYSAY PROF. HEBELKII MAAMUL AQOONKA AHAA EE KAMIDKA AHAA MUSHARAXIINTA  HAL COD XITAA KAMA HELIN JUFADIISA HOOSE”!.  “Dhib ma leh iska daa waa xoog ku noole”, ayuu isugu jawaabaa ogeydii aqoonta ulahaa ILMO XOOGSADE ee kaftamaayay.

Doorashada kadib, asagoo yaqaan dhaqanka ILMO XOOGSADE ayaa mas’uulkii ILMO XUKUN KU NOOL ee la soo doortay soo xareytaa  kuwa ugu liita ILMO XOOGSADE kuraastana u dhigaa afka hore ee xafiis kiisa si ay ula shaqeeyaan ayna ka ilaaliyaan in wax garadka ILMO XOOGSADE xafiiska yimaadaan.

ILMO XOOGSADE SIDA AY ISU ARKAAN IYO SIDA AY RUNTA TAHAY

ILMO XOOGSADE oo isku arka in ay inta kale ka dhaqaala badan yihiin, ka tira badan yihiin, ka aqoon badan yihiin ayaa runtii looga adkaaday dhanka siyaasadda iyo xiriirka beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa loo tusay in ILMO XOOGSADE yihiin qaswada yaal gacan siiya urur diimeedka, degaan kooduna yahay kan dalka ka degi waaye ayadoo ay rumeysteen beesha caalamka firkirkaas waxaana daliil u ah waxa ka dhacaaya goboallada

JUBBADA HOOSE/DHEXE iyo SHABEELADA HOOSE iyo goobo kale sida gobolka Mudug oo dhawaan ciidama ka tiraan GALMUDUG Dayuurad ku laysay.

ILMO XOOGSADE oo inta badan u baahan OOKIYAALE WEYN marka ay taagan tahay aragtida fog ayaa laga yaabaa in ay isaga horyimaadaan Somali kale process-ka loo maraayo dariiqa HAL QOF IYO HAL COD (one man one vote) ee 2020 ayagoo diidi doonaana in la keeno mid ka duwan kan ay filayaa oo ah in tirada dadka lagu xisaabtamo. Ciladda ugu weyn ayaa noqon doonta in lagu saleeyo qaabkii gumeysiga u dhigay dastuurka Somalia oo magaalooyinka qaar xildhibaanka lagu dooran jiray 5 kun cod halka qaarna laga rabay inuu helo in ka badan 50 kun oo cod sida Xamar iyo  magaalooyin kale. (Dib u baar magaalooyinka kale).

Arrintaas ayaa waxaa u xilsaaran WASAARADAHA ARRIMAHA GUDAHA, FERDERAALKA IYO DASTUURKA cidda madaxda ka ah inta process-ka  hiigsiga 2020 ee HAL MIN IYO HAL COD uu socdo ayadoo ay dhici karto in ay saameyn ku yeeshaan gobollada dalka gaar ahaan GALMUDUG.  (Anshaxa qoraalka ayaa diidaya inaan sii ifiyo).

DHIBAATADA CIIDANKA NABAD SUGIDDA IYO DHALIN YARADA ILMO XOOGSADE

Dhanka kale, ciidanka nabad suggidda ILMO XOOGSADE kaga jira dowladda iyo qaar kale oo an helin mushaar ku filan amba an la siin muddo dheer  ayaa shaqa ay quutu-daruuriga ku helaan ka dhigta in ay soo raafaan dhilin yarada ILMO XOOGSADE kuwooda ugu tabaaleysan kana buuxiyaan xabsiyada XAMAR iyo meelo kale kuwaasi oo intooda badan an gelin wax dembi ah balse loo soo xiro inla baado.

Xabsiyadaas waxaa ka mid ah kan korkiisa dalka looga taliyo ee madaxtooyada oo ku dhex yaal oo maxaabiis badan oo la soo afduubay ay maqlayaan habeennada qaar muusikada loogu raaxeynayo madaxda dowladda oo loogu heesaya marka ay ku casheynayaan xafladaha taasoo qeyb ka qaadata naceybka ay dhalin yarada iyo waalidkoood uqaadaan dowladda kuna qasabta in ay ku biiraan urur diimeedka ama inay dalka ka tahriibaan maadaama aysan nabad ku joogi Karin wadankooda.

SIYAASIYIINTA IYO GANCASATADA ILMO XOOGSADE

Inta badan Siyaasiyiinta iyo ganacsatada ILMO XOOGSADE oo lagu xanto in ay yihiin kuwa dowladnimada u arka in lagac badan lagu helo, lacagtaas oo an aad looga fiirsan xalaal iyo xaaraan mid ay tahay iyo lacagta xaaraanta in ay ku dhammato muddo gaaban tii aakhirana u dheer tahay laga billaabo karfantooda ayaa isku khilaafa iskuna naca hay’adaha  dhaqaalaha leh ee dowladda iyo hay’daha samafalka kuna faana annoo reer hebel ayaa haysanna hay’addaas halka ay ka fiirin lahaayeen dowlad qaran oo lagu faani karo oo caddaalad ku dhisan.

ILMO XOOGSADE WAA DHIBANAYAAL AN IS OGEYN


Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)
moalim25@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com