Lixda ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga (Qeybtii 3-aad)

XILDHIBAANNADA ILMO XOOGSADE IYO HIIGSIGA DOORASHADA 2020.

Inta badan XILDHIBAANNADA ILMO XOOGSADE ee DFS ayay dad badan aaminsan yihiin in aysan ku buraarug saneyn ama laheen aqoon dheeri ah iyo khibrad ku aaddan Hiigsiga doorashada HAL NIN IYO HAL COD (one man one vote) ee 2020 sababa jira owgood. (Anshaxa qoraalka ayaa diidaya in la sii ifiyo). Ugu dambeynti waxaa la horkeeni doono golaha shacabka ee DFS si ay u ansixiyaan qodobka qaabka doorashada 2020.

QORSHAHA HAL NIN IYO HAL COD ayaa qaar ka mid ah maamul goboleedyada soo jeedin doonaa  in lagu saleeyo degmooyinka iyo gobollada dalka ka jira ayadoo loo adeegsan doono mas’uuliyiinta wasaaradaha daatuurka, gudaha, qorsheynta, federaalka, dib u heshiisiinta iyo beesha caalamka oo awood u leh qaabka loo dhigaya qodobka hiigsiga doorashada 2020, halka ay ILMO XOOGSADE sugayaan doorasho ku saleysan tirinta tirada dadka iyo sida loo kala badan yahay.

Hirgelinta qodobka doorashada oo la filayo in lagu saleeyo degmooyinka ayaa si toos u saameyn doontaa maamulka GALMUDUG oo laga yaabo in loo aqoonsado Hal gobol iyo bar (Badh), laguna qasbo in ay ku biiraan HIRSHABEELLE ama PUNTLAND inkastoo dhul ahaan taageerayaasha Galmudug ka deggan yihiin 73% gobolka MUDUG.

Waxaa arrintaas dan u arki doona qaar badan oo ka tirsan dadka an hubeysneen ee loo bixiyay ILMO LOOMA OOYAAN oo laga yaabo in ay heli doonaan xubno ka yar xildhibaanadii ay ku heleen 4.5 ee DFS  marka ay noqoto Hal cod iyo Hal nin. (Anshaxa qoraalka ayaa diidaya in an sii ifiyo)

ILMO XOOGSADE IYO CAQABADAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA  AY KA TALIYAAN 

Wax isu quurid la’aanta, hoggaan xumada, iyo aragti fogaasha la’aanta ILMO XOOGSADE ayaa maamul goboleedyada ay ka taliyaan ka dhigtay fashal, fadhiid, isqabqabsi joogta ah iyo jahawareer an dhammaad lahayd oo ku habsatay maamulkadooda.

“Cadaado iyo Dhuusa mareeb iskama war qabaan, Gaalkacyo iyo Ceel buur iskama war qabaan, Haba sheegin Ceel dheer iyo Hobyo” ayuu igu yiri siyaasi u dhuun daloola gobolladaas”. “Waxaan aaminsanahay xadiisii ahaa arrin haddii ay galaan dad an ehel u ahayn yowmul qiyaamihi filo ayaa haysata ILMO XOOGSADE”, ayuu warkiisa raaciyay siyaasigaasi.

Dad badan ayaa aaminsan in sida kali ah ee maamulladaasi lagu xallin karo tahay in si dhab ah oo caddaalad ah loogu heshiiyo inta an maamul la dhisin ayadoo arrinta GALMUDUG lagu tilmaamay mid la mid ah SAC NINKII LAHAA SEYNTA UGA FADHIYO KICIDNA LAGA SUGAAYO.

Maamulka HIRSHABEELE ayaa qaba dhibaato ku filan balse ka dhib yar tan GALMUDUG, waxaana dhici karta in uu khilaaf badan soo wajaha haddii an loo helin kuwa ehel u ah maamul wanaagga, caddaalad iyo shacab la shaqeya maamulka.

MACAAMILKA ILMO XOOGSADE IYO ILMO CIIL QABE

ILMO CIIL QABE oo ah dad nabadda jecel balse ciil siyaasadeed qaba ayaa ah awoodda 2aad ee gobolka BANAADIR dhanka tirada dadka, ganacsiga iyo ciidanka dowladda.

ILMO CIIL QABE oo in badan oo ka mid ah u qaxay deegaanka ILMO XUKUN KU NOOL kadib 1991 kuna nabad galay ayaa la sheegayaa inaan loo ogoleyn in ay ka iibsadaan dhul ama guri gobolladaasi waxayna ka shaqeystaan ganacsi yar yar iyo shaqooyinka hoose, halka in ka yar 10km  dhanka Jasiira iyo Afgooye   ee  gobolka BANAADIR la sheegay in ay ka tirsan tahay gobolka Sh/Hoose la suray calanka dowlad goboleedkooda ayna joogaan ciidanka maamulkooda ayadoo calakaasi wax ka sureen siyaasiyiin ka tirsan ILMO XOOGSADE.

ILMO XOOGSADE oo dhinacyo badan deris kala ah ama dhex deggan ilmo CIIL QABBE ayay ku adag tahay in ay xiriir sare oo siyaasadeed la yeeshaan ILMO CIIL QABE.

Isku xernaanta ILMO CIIL QABE ayaa dowr muhiim ah ka qaadata siyaasadda Somaliya iyo tixgintooda. ILMO CIIL QABE ayaan la saadaalin karin in ay og yihiin iyo in kale mid danta u ah in ay tahay in lagu saleeyo degmooyin ama tirada dadka ee doorashada 2020 iyo weliba cidda danta u ah in ay xiriir dhow la yeeshaa.

ILMO XOOGSADE oo dad badan oo  wax garad badan ku booriyaan in dagaalka qoriga ku bedelaan dhanka siyaasadda ayaa laga yaabaa in  dhawaan looga adkaado dagaalka qoriga maadaama looga hormaray dhanka siyaasadda.

ILMO XOOGSADE WAA DHIBANAYAAL AAN IS OGEEN.

La soco qeybta dambe…
Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)
moalim25@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com