Lixda ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga (Xog-warran)

 

Lixda ilma XOOGSADE waa wiilal  walaala ah, caruur badan dhalay, degaan ballaaranna deggan. Lixdooda laba ayaa mataana ah aadna u xoog weyn, xoolane ilaah siiyay. Labadaasi waxay ka baxeen dugsi sare ee farsamada  si ay ugu xoogsadaan xirfaddooda.

Labada ku xigta oo laba sano kala weyn waxay dhameeyeen dugsiga dhexe, mid ayaana xoogaa wax ka bowsaday ganacsiga. Labada kusii xigta oo an aqoon da’dooda iyo inta ay kala weyn yihiin ayaa dugsiga hoose  dhexda uga tagay  oo ma dhameysan.

Dhammaantood waxay ka siman yihiin waa xoog ku nool, xukun ku noolaashahana ku cosob yahay.

Labada waaweyn ayaa siyaasadda ku hoggaamisa afarta kale balse in ay yihiin hoogaanka reerka ma garan karaan sababta oo ah aabahii dhalay lixda wiil aad ulama dardaarmin mana ka war qabaan walaalahood ka yar.

Afarta kale waxay garteen in labada ka weyn aysan dan iyo heello ka lahayn,  waxayna ku heshiiyeen in ay labada kala isku diraan oo aysan heshiin ayagoo an afarta kale gooni u tashan karin si ay u saxaan kuwa kale. Is faham la’aantaas ayaa dhalisay in aysan jirin wax dan guud ah oo ka dhexeyda lixdooda. Labada ugu weyn naaneystooda waa WAX WALBA ANIGA. Madaama ay mataano yihiin meela badan ayay isaga mid yihiin sida wax isu quurid la’aanta, tartanka dhanka qaldan iyo aragti fogaasha la’aan. Waana kuwo u nugul in leysku diro.

Labada ku xigta waa labo ku mashquulsan kala fogeynta labada waawayn maadaama ay u arkaan imeysan waxba u ogoleen, waxaana lagu magacaabaa YEELI MAAYO.

Sidoo kale ma daneeyaan labada wiil ee ka yar.

Waxaase ka daran labada yar yar oo an weli qaan gaar u noqon waxa aduunka ka dhacaya waxaanna lagu naaneysaa WAX MOOGE YAAL.

Degaanka ballaaran ee ay degan yihiin ilmo XOOGSADE ma aha kuwo iska warqaba intooda  badaane ilaa loogu yimaado goofkooda mana gartaan waxa ku soo socda.

Ilmo XOOGSADE  ayaa loo sheegay inuu dhib hayso dadkooda iyo degaan kooda muddo ka hor, loona baahan yahay in ay hurdada ka kacaan, in kastoo aysan garan waxa ka dambeeya in ay dagaalamaan.

Lixdii walaalaha ahayd ee ilmo XOOGSADE  ayaa dagaal weyn galay ayagoo fulinaayo warkii loo sheegay waxayna ku guuleysteen in hadafkii dagaalka lagu geliyay fuliyaan Ajenda la’aan taasoo qasabtay in ay ayagu  dagaal iskula soo noqdaan markii ay waayeen cid kale oo ay la dagaalamaan.

Dagaalkaas ayaa sii kala fogeeyay ilmo XOOGSADE oo awalba dan guud ka dhaxayn, wuxuuna  dagaalkaas noqday mid ka dhiga degaankooda colaad joogta ah  nus qarni ka badan.

Sidoo kale, dagaalada soo noqnoqday ee deegaanka ilma XOOGSADE ayaa soo koobay degaankoodii ballaarnaa oo haatan ay ka taliyaan inta badan dhalin yaro hubeysan iyo kuwa horay an u degganeyn degaankaasi.

Dhanka kale, Ilmo XOOGSADE waxay muddo dheer ku jiraan kuna dhex nool yihiin dilal, dhaawacyo, kufsi, bililiqo, xarig, bad ku dhimasho, caruur mustaqbal la’aan ah iyo rafaad an ka jirin inta badan deegaannada kale.

Dhaqaalaha ilma XOOGSADE ayaa ah mid mobile lagu wato iyo mid ay maal qabeenno leeyihiin balse an haysan wax damaanad ah.

Caruurta ilma XOOGSADE waxaa ka soo dhex baxay wiilal iyo gabdho wax garad ah oo cilmi iyo caqli ku darsaday,  waxaase lagu xaqiraa goobihii ay talo ku lahaayeen iyo howshii ay qaban lahaayeen. Waxaa laga doorbidaa kuwo ma gudbayaal ah oo ku wanaagsan qeylada iyo waxa xun taasoo curyaamisay deris wanaagga iyo danta guud ee dalka ay ku nool yihiin.

Ilmo XOOGSADE waxaa inta badan horbooda kuwo ay weli gaarin risaalada siyaasadda iyo maamul wanaagga gaar ahaan xagga da’da iyo khibradaha kala duwan ee dowladnimo.

Sidoo kale, ilmo XOOGSADE ayaa waxaa sicir barar uga dhacay hoggaanka dhaqanka oo dhinacyo badan ka saacidi jiray.

Ilmo  XOOGSADE  oo loo arka in ay ayagu yihiin kuwa dalka ka degi waayay dadkana dhibay ayaa dhanka kale Ah dhibanayaal an is ogeyn.

La soco qeybta dambe…
Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)
moalim25@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com