Loolankii siyaasadeed ee Galmudug oo u muuqda in lagu kala adkaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 28 Bishaan Magaalada Muqdisho isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya si looga tashto qaabkii looga gudbi lahaa Khilaafka soo kala dhex galay.

Liiska madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee la casuumay waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay qaar ka tirsan Xildhibaanada Galmudug ku dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen, halka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo dhaweysay go’aankaas.

Haddaba casuumaadda uu Xaaf ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujisay inuu Xaaf si rasmi ah ugu guuleystay loolankii adkaa ee ka dhacay Magaalada Cadaado ee lagu doonayey in xilka looga qaado.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xoggeeda dhan isugu geysay sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha Galmudug, balse waxyaabo badan oo is biirsaday awgeed Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  casuumaada shirka Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe u diray Madaxweynaha Galmudug.

Go’aanka madaxweynaha Soomaaliya uu arrintaan ka qaatay ayaan la ogeyn haddii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku qancay iyo haddii kale, balse Casuumadaan ayaa muujisay inay Dowladda Soomaaliya u aqoonsatay Madaxweynaha Sharciga ah ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inay arrintaan saameyn ku yeelan doonto garabka Galmudug ee xaaf mucaaradsanaa, waxaana la rumeysan yahay inay adkaan doonto sida ay iskula shaqeeyaan, haddii aysan qeyb meesha ka bixin.

Arrimaha ugu weyn ee Xaaf ka caawisay inuu loolankaas ku guuleystro kala ah:

1) Taageeradii xoogganeyd ee uu ka helay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya kuwaas oo iyagana ka casabanayey inay markooda ku timaado kiiska ku furan Madaxweyne Xaaf, waxayna si cad u sheegeyn inay dowladda dhexe joojiso cadaadiska iyo faragelinta ay ku heyso Maamulka Galmudug.

2) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo si weyn ugu dagaalamay inuu xilkiisa difaacdo isla markaasna wuxuu sameeyey tallaabooyin uu Xildhibaanadii Federaalka ee kasoo horjeeday kaga mamnuucay Magaalada Cadaado

3) Madaxdii Galmudug ee kasoo horjeeday oo uu Xabsi guru geliyey si aysan Magaalada Cadaado uga dhicin shirar siyaasadeed oo isaga looga soo horjeedo.

4) Taageero weyn oo uu ka helay inta badan Xildhibaanada laga soo doortay Maamulka Galmudug, kuwaas oo tagay Magaalada Cadaado isla markaasna caqli iyo istaraatiijiyad ku biiray Madaxweyne Xaaf, waxayna xoogooda isugu geeyeen inay badbaadiyeen Xaaf, sababta ugu weyn oo ay sidaas u sameeyeena  waxay aheyd inay ka hor tagaan in mustaqbalka dambe ay heli waayaan taageerada  Galmudug iyo in mar kala lasoo doorto, maadaama ay dowladda Soomaaliya dooneysay inay halkaas madaxweyne uga dhigto shakhsi ku fikir ah, waxayna arrintaas saameyn ku yeelan laheyd Xildhibaanadii Cadaado tagay oo kasoo horjeedo fikirka dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com