Ma aha in amniga la siyaasadeeyo – Ma jirin madax dalka soo maray oo helay xorriyad dhaqdhaqaaq

Amnigu waa shaqada muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, qof yar iyo qof weynba, ka shaqeynta amnigu maaha, mid masuuliyadiisu ku kooban tahay kaliyah, maamullada deggaanka,, kuwa heer dowlad gobolleed iyo midka heerka Qaran.

Sida ugu sahlan ee dalka loo nabadeyn karaa, waa in muwaadin walba oo Soomaaliyeed garwaaqsadaa inuu waajibka ka saaran yahay, ilaalinta iyo ka shaqeynta ammaanka iyo gacansiinta ciidamada amniga ee heer gobol iyo heer Qaranba kuwaasi oo ku howllan gudashada waajibka amni ee loo igmaday.

Marka loo turo xaaladda amni ee dalkaan oo ah meel ay ka howl-galaan gabaadna ka dhigtaan argagixisada caalamiga ah kuwaasi oo horrey ula degay wadamo lahaa dowlado xoog badan, kuwa kaloo wadamada adduunka ka mid ahna wali ay u taag la yihiin haddaba marnaba sax maaha in amnigu la siyaasadeeyo, maaha in aynu dafirno guulaha amniga laga gaaray, sidoo kale, maaha in aynu buunbuunino dhacdooyinka amni darri ee kooxaha aragagxisada fulinayaan si aysan niyadda uga jebin ciidamada amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, kooxaha nabad diidkuna ugu sii owr kacsan.

Haddii uu yoolkeennu yahay inaan noqo bulsho ka madax banaan cabsi iyo colaad dhaxdeeda ama dibedda kaga timaada islamarkaana dadka iyo dalkabu la gaarsiiyo heer amini la isku haleeyn karo, waa in qofkeen kasta texgeliyaa waaqiciga jira iyo sida ay muhiim inoogu tahay wadar fahamka doorka muwiidinka kaga aadan nabadeeynta dalka maadaama dalkeenna ka jiraan xasarado amni xumi lagana soo guulo gaaray hagardaamooyin qaar ee kooxdaan la xadreeysan xasuuqa xaasidnimada leh.

Haddaba keenee u dhiban amini darrada? Boholyoowga iyo walawal maalmeedka, waxaa dareemi kara, hooyooyinka ku gablamay gabadood falka kooxaha nabad diidka, kuwa jugta qaraxa dhagaheeda ku dhacaan iyadoo carruurteeda dugsiga jiraan, seygeeduna magaaalada ku maqan yahay, mida agoon tiro badan looga tagay, sidoo kale, waxaa dareemaya wariyaha subax walba soo mara wadadii saaxiibkii mihnad wadaagu ahaayen lagu dilay islamarkaana tallaabadii uu qaadaba dhinacyadiisa eegaya cabsi darteed ama deggan deggaan suxufi kale lagu dilay , waxaa dareemaya ninka dhallinyarada ah ee raba in si xor ah xaafadaha Muqdisho uu u kala goosho xili walba iyo qof walba oo shacab ah oo dalka ku nool gaar ahaan Muqdisho.

Oggoow Madax walba oo dalkaan soo hoggaamisay ma helaan xorriyad dhaqdhaqaaq kamana baxaan u cabsida naftooda ama amni darri u gaar ah inta ay dunida baaqi ku siiyihiin haddaba u fiirso inta nool Madaxweyneyaalkii dalkaan soo maray, wali ilaallo hubeeysan ayaa daba socot xitaa haddii ay ku nool yihiin ama ku sugan yihiin wadamo kale ee la aaminsan yahay inay amaan yihiin sidoo kale Madaxweynaha haatan xilka haya iyo kuwa xigi doonana Waa la mid oo sidaa awgeed waa muhiim fahamka ah iin shacabka yahay dulmane u haraad qaba amniga qof walbana qeybtiisa ka qaataa qorshaha amniga.

Miyeeysan habbooneyn siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda, Saxaafadda Iyo dadka kalaba inay dowladda ugu hiiliyaan arrimaha amniga oo haddii nabad diidku geeytsaan dhacdooyin amni darri, oo aan dowladdu ku farmuuqin ama ku tilmaamin fashil amni, fadeexad IWM.

Mucaaradnimada wax toosinta ah waa muhiim hayeeshee waxaa inaga badan dhinacyda kale in lagu mucaarado xukuumadda marka amniga laga reebo.

Ugu dambeyntii, waxaa yeddediilo iyo mahad celin mudan howllaha adag ee dhanka aminiga caasimada ah oo ay ka guulo ka gaareen ciidamada xasilinata tan iyo markii ay howlgallada bilaabeen.

W/Q: Shador Haji Mohamud
Agaasimahii hore ee Warafafinta Maddaxtooyada
Email: shador.hm@gmail.com
Facebook.com/Shadorhaji

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid