Ma dhabaa in qaar ka mid ah xarumaha dowladda ay yihiin kuwo haawinaaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa haawanaaya qaar kamid ah xarumaha dowlada Federaalka ah ee Somalia, kadib digniintii kasoo baxday Taliska ciidamada AMISOM ee xaruntiisu tahay Xalane.

Xarumaha dowlada ee haawanaaya ayaa waxaa kamid ah kuwa saaran hareeraha laamiga ee aanu heysan ilaalo ku filan, iyadoo sababta lagu sheegay cabsi la xiriirta dhanka amaanka.

Xarumaha ugu badan ee dowlada ayaan heysan ilaalo, halka qaarna ay leeyihiin kuwo aad u farabadan oo aan la ogeyn waxa ay howshoodu tahay.

Mid kamid ah howlwadeenada Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in inta badan shaqaalaha ay yihiin kuwo aan soo shaqo tagin waxa uuna tilmaamay in tani ay la qabaan Wasaarado dhowr ah.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha qaar ay yihiin kuwo isku bedela shaqada si ay u kala nasiyaan, maadaama xiliga lagu jiro ay tahay mid adag.

Wasaarado dhowr ah ayuu sheegay in cabsi jirta aawgeed aan loo shaqo tagin, kuwaa oo uu sheegay inaysan heysan ilaalo ku filan, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka Alshabaab ayaa dhowr jeer ku goodiyay inay dhulka dhigi doonaan dhismooyinka dowlada, inkastoo aan la ogeyn waxa ku kalifaaya markii laga soo tago argagixisanimadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

SHARE