Ma ka dhabbaa Michael Keating wixii uu ka yiri Farmaajo iyo Xasan Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa shaaca ka qaaday in Beesha Caalamka ay si diiran usoo dhaweyneyso go’aanka Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ay ku magacaaben Golaha Wasiirada.

Micheal Keating, ayaa sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay ka dhabeeyen Himiladooda ku aadan Isbedelka Siyaasada, waxa uuna xaqiijiyay in Somalia aysan horay usoo marin Xukuumad lamida tan iminka jirta.

Micheal Keating, ayaa sheegay in Xukuumadaani ay si wanaagsan uga taxadartay awood qeybisa Beelaha Soomaaliyeed waxa uuna qiray in xilalka loo qeybiyay si wanaagsan isla markaana ay sugayaan Somalia oo ka hanaqaada halka ay iminka taagan tahay.

Haweenka Soomaalida ayuu sheegay inay heleen xuquuqdooda waxa uuna carab dhabay in kuraasta lasiiyay Haweenka ay aad uga badan tahay kuraastii ah heli jireen xiliyadii kala duwanaa ee dalka soo maray.

”Golaha cusub ee xukuumadda la magacaabay oo ay ku jiraan lix haween ah, waxaan rajaynayaa in ay horay u socoto, kana shaqayn doonto baahiyaha, ammaan, horumar iyo wax ka qabashada abaarta ka jirta Soomaaliya”

Geesta kale, amaanta iyo bogaadinta Micheal Keating, ayaa imaaneysa xili Ra’isul wasaare Khayre uu xukuumaddiisa ku soo daray ilaa lix haween ah oo ay ku jirto Wasiirad cusub oo loo magcaabay wasaarad dalka ku cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com