Ma laga yaabaa in la weeraro Qatar? – Imaaraadka oo war cusub soo saaray

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabtay warar soo baxay oo sheegayey in laga yaabo in xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay tallaabo milatari ka qaadaan dalka Qatar oo xasarad ay kala dhaxeyso.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya dalka Mareykanka Yousef al-Otaiba ayaa sheegay in hadda aysan jirin wax tallaabo milatari ah ama dagaal ay qorsheynayaan xulafadooda inay ka qaadana dalka Qatar.

Waxa uu sheegay in taa beddelkeeda ay kordhin doonaan cadaadiska dhaqaale ee la saarayo Qatar, si loogu qasbo inay u hoggaansato dalabyada isbaheysiga Sacuudiga uu horboodayo.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Mareykanka Yousef al-Otaiba ayaa sheegay in dalalka khaliijka ay dalabyada ay ka doonayaan dowladda Qatar u gudbin doonaan dowladda Mareykanka, si ay Qatar ugala hadasho.

Dhowr dal oo Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay ugu horreeyaan ayaa xiriirka u jaray Qatar toddobaad ka hor, ayaga oo ku eedeeyey inay taageero siiso kooxo argagixiso ah. Qatar waa ay beenisay eedeymahaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com