Ma lagu guuleystay fulinta barnaamijka isla xisaabtanka dowladda?

Nidaam  kasta oo dowladnimo waxaa dhab ah in uusan ka maarmin jaangoyn siyaasadeed oo ku aadan  islaxisaabtan,kaas oo keeenaya in si Nidaam ah loo maamulo,habka shaqada iyo shaqaalaha, dhaqaaalaha Dalka iyo la socodka goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada,iyadoo mar kasta laga fogaanayo ficilada muujinaya musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta.

Hindisaha la xiriira isla xisaabtanka waa barnaamij cusub oo bilow ag oo la  xiriira  dadaal ballaaran oo ku yimid codsiga tooska ah ee Madaxda dalka,gaar ahaaan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya,kaas oo dhaqan gelintiisa ay si ficil ah ay u hoggaaminayaan golaha xukuuuumadda,kan shacabka iyo garsoorka.

Ballanqaadyadii  ugu horeeyay ee ay bixiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre,waxa kamid ahaa in shacbiga Soomaaliyeed loo ilaalinaayo ammaanadii wax ku oolka aheyd ee ay u dhiibteen iyo in dowladda cusub ay ku shaqeyneyso isla xisaabtan dhab ah.

Tallaabadaasi  ,waxay muujinaya in la oofiyay dowladduna  ay ku heleyso Kalsoonida bulshada,kadib markii ay soo ifbaxeen wada shaqeyn joogto ah oo u dhaxeysa maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda kale ,si ay meesha uga baxdo in  gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.

Nidaamka dowladda ee isla xisaabtanka  waa tallaabo ay dowladdu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda,waana barnaamij kamid ah tiirarka asaaska u ah  dimuqraaddiyadda, hormarka dhaqaaalaha iyo Dowlad xilkas ah oo suurtagalisa in dhammaan, shaqaalaha, ururada bulshada rayidka, ganacsatada  iyo dadweynaha kale ay si fudud u helaan xogaha  dawladda

Dowladdu ,waya ay ka shaqaynaysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qeyb ka yahay isaga oo aaminsan inuu  isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga, lana cirib tiro musuq-maasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga.

Inkasta madaxda dowladda Feeraalka ay qeyb ahaan ku guuleysteen illaa xad habsami u fulinta barnaamijyada ku saabsan isla xisaabtanka Haddana,waxaa looga fadhiyaa in ay dardargeliso howlahaasi,isla markaana ay xoojiso kalsoonida kala  dhexaysa shacabkeeda, taas oo sahlaysa in qof kasta uu awood u yeesho inuu fahmo oo la fal-galo nidaamka dawladnimada.

Waa wax lagu faano in dowladda Soomaaliya ay la timid barnaamijka isla xisaabtanka oo la tilmaamo in uusan ka jirin dalal ka mid ah caalamka ee ay ka jiraan xaalad degenaansho, Waxaana suurtogal ah in haddii nidaamkaan loo dhaqan geliyo sida ugu haboon,iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah  dadweynaha  iyo dawladdaba  ay ugu jirta faa’iido weyn.

W/Q:- Shire Xasan Kulmiye