Ma xiriir baa ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbuucii la soo dhaafay waxa uu dagaal dhexmaray Soomaali iyo Oromo wada degga bariga dalka Itoobiya. Dowladda ayaa sheegtay in in ka badan 50 qof lagu dilay colaadda.

Balse dadka deegaanada lagu dagaallamay ku nool waxay sheegeen in geerida ay gaareyso illaa boqollaal qof.

Dowladda Mareykanka ayaa shalay u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaal qowmiyadahaa dhexmaray.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xun.

Dowladda Itoobiya ayaa laga dalbaday in ay la xisaabtanto dadka masuulka ka ah rabshadaha dhexmaray Soomaalida iyo Oromada ee dadka lagu dilay.

Majiraa xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeyo Soomaalida iyo Oromada?
Soomaalida iyo Oromada waxa ay ku wada nool yihiin laba gobol oo xuduud aad u dheer wadaaga. Sidoo kale waxay deris ku yihiin nawaaxiga xuduuddaha Kenya iyo Itoobiya.

Taasi waxaa lagu sheegay mid ka mid ah sababa ay u soo noqnoqdaan dagaalka mararka qaar dhexmara labada dhinac.

Sidoo kale waxay wadaagaan daaqa iyo ganacsiga, wayna isu kala gudbaan xilliyada abaaraha ay jiraan.

Qaar ka mid ah Soomaalida iyo Oromada ku wada nool dalka Mareykanka ayaa kulmay waxayna dalbadeen in colaadda la joojiyo oo walaaltinimo lagu wada noolaado.

Xaaji Cali Xaaji Xuseen Somow oo ka mid ah odayaasha shirka ka qeybgalay ayaa sheegay “Waa dad wada joogi jiray, waa dad aan weligood isdilin”.

Xaaji Cali ayaa codsaday in dhibaatada taagan la qaboojiyo, maadaama jiilal badan ay soo wada noolaayeen labada dhinac.

Waxaa jiro Soomaali badan oo ku nool gobolka Oromada, halka Oromo aad u badan ay ku nool yihiin gobolka Soomaalida ee Itoobiya iyo qeybaha kale ee Soomaaliya.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxaa la sheegay in uu ka dhashay muran dhanka xuduudda ah, wuxuuna sababay qax iyo dhimasho.

Soomane Maxamed Cali oo ka mid ahaa Soomaalida ku sugnaa kullanka ayaa yiri: “Waa dad wada dhashay oo deegaan wadaaga muddo, dad isku cusub ma aha, marka colaadda hala joojiyo, dagaalkana lagu badalo wanaag iyo wadahadal”.

Maxay salka ku haysaa colaadda?

Deegaannada Oromada iyo Soomaalida ayaa dhul ahaan ah kuwa ugu weyn dalka Itoobiya, waxaana ay wadaagaan soohdin gaaraysa 1,400 km.

Labadan qowmiyadood ayaa inta badan ku dagaallama dhulka iyo kheyraadkiisa, gaar ahaan dhulka ay xoolohu daaqaan.

Sanadkii 2004, afti laga qaaday 420 tuulo ama waxa Itoobiya looga yaqaan qabele oo lagu muransanaa, ayaa boqolkiiba 80 loo go’aamiyay in ay ka tirsan yihiin gobolka Oromiya.

Arintaasi ayaa dhalisay in kumannaan Soomaali ah ay ka barakacaan tuulooyinkaasi, ayagoo ka cabsanaya in ay dhibaato uga timaado Oromada.

Go’aankaasi ayaan weli la hirgelin, waxaana la sheegayaa in ay qeyb ka tahay colaadda hadda soo cusboonaatay.

Bilihii February iyo March ee sanadkan boqolaal qof oo Oromo ah ayaa la sheegay in lagu dilay magaalada Negele, waxaana maamulka Oromiya uu falkaasi ku eedeeyay ciidamada Liyu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Haseyeeshee maamulka Jigjiga ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxaana uu ku tilmaamay maamulka Oromiya mid xiriir la leh jabhadda Oromo Liberation Front ee ay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay argagixiso.

Ma ka dari doontaa colaadda?
Maadama labada qowmiyadood ay wadaagaan soohdin dheer, isla markaana leeyihiin xoolo dhaqato reer guuraa ah, waxaa adag in ay kala maarmaan.

Sidoo kale colaadda u dhexeysa labada qowmiyadood ayaa si fudud ugu baahi karta deegaannada kale iyo weliba deriska Itoobiya.

Dhanka kale, dad ka barakacy colaaddan ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen magaalada Moyale ee dhanka Kenya, halkaasoo ay marar badan ku dagaallameen Soomaali iyo Oromo.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya, Negeri Lencho, ayaa BBC u sheegay in milateriga iyo booliska federaalka la geeyay goobaha ay colaaddu ka taagan tahay, si ay uga hortagaan iska horimaadyo dheeraad ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa isbuucii tagay amray in booliska Federaalka uu kormeer ku sameeyo deegaanada lagu dagaallamay, militarigana uu hub ka dhigis sameeyo.

Balse ma cadda in taasi oo keliya looga hortagi karo in ay sii faafto colaadda.

Axmed Xaji Xasan
BBC Somali