Maamul goboleedyada oo soo bilaabay taageeradooda iyo Puntland oo…

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Iyadoo labadii Berri ee ugu dambeysay la hadal hayey sababta keentay inay Maamul Goboleedyada farcelin uga bixin waayeen musiibadii ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa hadda bilaabatay gurmad ay fidinayaan Maamul Goboleedyada.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa noqoday midkii ugu horreeyey ee falcelin muuqato ka sameenayo musiibadii ka dhacday Muqdisho kadib markii la diyaariyay Dhakhaatiir iyo Dawo loo dirayo magaalada Muqdisho, waxaanba la filayaa in diyaarad sida dhaqaatiir iyo dawo ay imaan doono Muqdisho saacadaha soo socda sida uu xaqiijisay wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Dhakhaatiirtaan iyo daawadooyinka ayaa waxaa lagu kala diyaariyey Magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe .

Mar uu saxaafadda kula hadlay Boosaaso madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inay diyaarad u dirayaan Muqdisho, taasoo sida uu sheegay wado Dhakhaatiir iyo daawo.

 

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso laga wado ololo lacag aruurin ah oo loogu deeqayo dadkii Musiibada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegayo inuu halkaas ka socdo banaanbax aan loo kala harin qeybaha kala duwan ee Bulshada kaasoo looga soo horjeedo Xasuuqii loo geystay shacabka Muqdisho.

Ugaas Xasan oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo qaar ka tirsan Wariyaayaasha Baydhabo ayaa la arkay iyagoo madaxa ku xirtay maryo gaduudan oo ay ku muujinayeen  sida ay uga xun yihiin qaraxii Khasaarihii ugu badnaa ka geystay Magaalada Muqdisho.

Iyadana waxaa weli la sugayaa tallaabada ay qaadaan madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug  kuwaas oo aan ilaa hadda laga heyn ficil.