Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka hadlay xaaladda Wariye Tima-Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde, oo ka tirsan howl wadeennada TV-ga Universal xaruntiisa muqdisho.

Duniyo Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Isbitaalka Madiina ayaa ku sifeesay xaaladda wariyaha mid garaab ah sida ay hadalka u dhigtay, maadama ilaa lix xabadood ay ku dhaceen.

“Sida aad soo aragteen wariye Tima-Cadde xaaladiisa aad ayey garaab u tahay, waayo ilaa lix xabadood ayaa ku dhacday, qaar kood xangulaha ayey uga dhaceen, dhakhaatiirta ayaa la tacaaleysa xaaladiisa waxaana la dhigay qolka naaxinta” ayey tiri Duniyo Maxamed Madaxa caafimaadka Isbitaal Madiina.

Wariyaha ayaa saakay lagu dhaawacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaddib markii kooxo hubeysan oo watay baabuur ay ku horgooyeen baabuurkii uu watay wariyaha sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha lagu dhibaateeyo wariyaasha ka howlgala caalamka, waa wariyihii labaad ee lagu dhaawaco Soomaaliya tan iyo sannadkan iyadoo lix kalena la dilay.

Sannadkii hore ayaa lagu dilay Soomaaliya 18-suxufi, waxaana ay ka dhigeysaa sidaas meelaha ugu khatarta ugu badan oo ay ku howlgalaan saxaafadda adduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com