Maamulka Somaliland oo jeediyey hanjabaad la xiriirta xiisadda Jabuuti iyo Eritrea

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka garab dagaalami doonaan dowlada Jabuuti oo xiisad kala dhexeysa dowlada Eritaria.

Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha dibadda maamulka Somaliland ayaa sheegay inaanu dhici doonin inay afka iyo gacanta ka laabtan dagaal ay Jabuuti la gasho dowlada Eritaria.

Wasiir Shire waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin dowlado jaar ah, isla markaana uu mideynaayo dhiiga, sidaa awgeedna ay u garab istaagi doonaan dowlada Jabuuti.

Waxa uu intaa raaciyay in wixii dhibaato ku timada dalka Jabuuti iyo Somaliland hiil iyo hooba ay isla barbar taagan yihiin.

”Xiisada cusub ee ka dhex aloosan labada dal waxaanu ka noqon doonaa qeyb, waxaana la safan doona dowlada Jabuuti oo aynu nahay wadan jaara”

”Dowlada Eritaria waxa ay daandaansi ku heysaa Jabuuti kama aamusi doono waayo waxaa naga go’an inaan muujino isgarabtaaga aan u sameyneyno Jabuuti”

Haddalka Wasiir Shire ayaa imaanaya xili dowlada Eritaria ay kumanaan ciidamo ah soo dhoobtay Xadka ay la wadaagto dowlada Jabuuti, kadib markii halkaasi ay faarujiyeen ciidamada nabad ilaalinta Qadar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
Caasimada@live.com