Maamulku Hirshabeele oo musuq maasuq ku eedeyay dowladda dhexe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabeele ayaa qaadacay miisaaniyadii maamul gobaleedyadda ee dhowaan ay soo bandhigtay wasaaradda maaliyadda ee Dowladda Somalia.

Waxaa ay noqdeen maamul gobaleedkii ugu qoondada yaraa kuwaas oo $700,000 (Todobo boqol oo kun oo dollar) loo qoondeeyay waana lix meelood hal meel marka loo fiiriyay lacagaha loo qoondeeyay dhanka maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Hirshabeele Mahad Hassan Osman ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in aaney dhankooda waxba ka quseynin miisaaniyadan ayna u arkaan bahdilaad iyo cadaalad daro.

Mr Osman waxaa uu Dowladda dhexe ku eedeyay musuq maasuq iyo nin jecleysi isagoo aaminsan iney tahay wax aan la qaadan karin arintaan.

“Waa wax ka fog cadaalada oo aan huba iney dhumineysa kalsoonida ay shacabka ku qabaan doowladan dhexe ee ugubka ah, ma ahan wax laqaadan karo in maamul gobaleed lasiiyo in kabadan 4 million oo doolar midna lasiiya 7 boqol oo kun oo dollar ayuu yiri.

“Waxey doowlada federalka sheegataa iney la dagaalamayaan musuq maasuqa, musuq maasuqa ma ahan lacag laxado oo kaliya ee waa dhaqaale si qaldan loo isticmaalo ama loo qeeybiyo ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Mahad.

Hoos ka arag Qoraalkii uu wasiirku soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.