Xaaf oo amar siiyay wasiiradii C/kariin Guuleed la shaqeynayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wasiiradii la shaqeynayay madaxweynahii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Mr Geele, wuxuu sheegay in wasiiradaasi uu ku amrayo inay si dhaqso ah ugu laabtaan xafiisyadooda magaalada Cadaado ayna qabtaan shaqooyinka loo xilsaaray, isaga oo sheegay inay shaqeyn doonaan inta wasiiro cusub laga soo dhisayo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in wasiiradaasi ay qaban doonaan dhamaan shaqooyinka ay u xilsaaran yihiin, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay si dhaqso ah ugu laabtaan magaalada Cadaado.

Wasiiradii uu soo dhisay madaxweynihii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa intooda badan waxay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, maadaama ay dhaliilsanaayeen waxqabadka madaxweynahooda.

Mr Geele ayaa maanta la filayaa in lagu caleemo saaro magaalada Cadaado, waxaana ka qeyb galaya madax kala duwan, iyadoo kadib la sugaya soo dhisida xukuumada maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com