Madaxweynaha Galmudug oo xilka laga qaaday iyo xiisad ka taagan Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday madaxweynaha Galmudug.

Xil ka qaadistan ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada baarlamaanka ay kulan ku yeesheen magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u codeeyay mooshinkii maalin ka hor laga gudbiyay C/kariin Xuseen Guuleed.

54 xildhibaan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa u codeeyay xil ka qaadista madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada ayaa sheegay in dhawaan ay dooranayaan hogaan cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug.

Guuleed ayaa shalay ka hadlay mooshinka laga gubdiyay wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada inay mooshinka ka laabtaan, balse ma aysan dhicin.

Xiisad ayaa ka taagan magaalada, waxaana aad loo hadal hayaa go’aanka xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com