Cosoble oo ka dhawaajiyey inay ka fiirsan doonaan xiriirka DF Somalia

Beledweyne (Caasimadda Online) – Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa eedeyn culus usoo jeediyey dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya inay xuquuqdii maamul goboleedka Hirshabeelle ay ku tumatay gaar ahaan wasaarada Arrimaha Gudaha, isagoo si gaar ah gacanta ugu fiiqay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradaas Yaxye Cali Ibraahim

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey Magaalada Beledweyne oo uu dhawaan gaaray ayaa yiri “ Dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaarada Arrimaha Gudaha waxay shirarka ay qeyb ka tahay Hirshabelle kaga qeyb gelisaa wakiil ahaan shaqsiyaad kasoo jeedo maamulkaas oo ku sugan Muqdishi,waxaaa u dambeeyay shir ka dhacay xarunta Xalane kuna saabsanaa xasilinta nidaamka dowladnimada iyo maamulada degmooyinka.”

Wuxuu xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ku eedeeyey inuu shirkii shalay ka furmay Muqdisho iyo kuwa kale ka qeyb galay shaqsiyaad aysan ogeyn maamulk Hisrhabelle lagula tilmaamay inuu wakiil u yahay.

Wuxuu sheegay inuu maamulk Hirshabelle ka fiirsan doono xiriirka iyo cilaaqaadka uu la leeyahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu madaxwyenaha kala diray guddigii heerka gobol ahaa ee Hirshabelle, taas badalkeedana wuxuu si rasmi ah u magacaabay guddii heer wasiiro oo ku shaqan leh abaaraha.

Maxamed Cali Caadle ayaa guddigaan looga dhigay guddoomiye wuxuuna dhawaan la wareegay lacag gaareyso ilaa $15,000 taasoo la sheegay inuu ugu deeqay Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah madaxweynaha Hirshabele, wuxuuna amray in wax looga qabto abaaraha saameynta ku yeeshay deegaanada Hirshabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com