Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Beledweyne

Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Maamulka gobolka Hiiraan, kan magaalada B/weyne, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab badan ayaa madaxweyne Waare kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee B/weyne.

Inta uu madaxweynaha Hirshabelle ku sugan yahay B/weyne wuxuu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu wadatashi la sameyn doono.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana loo galbiyay gudaha magaalada, gaar ahaan xarunta maamulka.

Ammaanka magaalada Beledweyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka qaar ee gala xarunta maamulka.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Hirshabelle ku yimaado magaalada B/weyne tan iyo intii xilkaan loo doortay.