Madaxweynaha JFS oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kampala (SAWIRRO)

Kampala (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kampala.

Kulankan ballaaran waxaa loga gol lahaa in jaaliyadda Soomaaliyeed ay la wadaagaan xogaha ay hayaan, fursadaha ay haystaan iyo caqabadaha ku gudban.
Madaxweynaha oo jaaliaydda uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay ayaa kula dardaarmay jaaliyadda in ay ka qeyb qalaan dib u dhiska dalka.