Dhageyso: Guuleed oo ka hadlay mooshinka cusub ee laga diyaariyay

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay mooshinka ay ka gudbiyeen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

C/kariin Guuleed wuxuu ugu horeyn nasiib daro ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay, isagoo sheegay inaan la joojin waqtigii mooshin keenista.

Wuxuu sheegay in xiligan la joogo ay tahay waqti aan munaasab aheyn oo mooshin laga gudbiyaa, maadaama dalka uu ku jiro marxalad adag oo samata bixin u baahan.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay ka laabtaan mooshinka ay shalay shaaciyeen iney diyaariyeen.

Wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii loo dhameyn lahaa tabashada ay qabaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug.

Baarlamaanka galmudug ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxay ku shaaciyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com