Madaxweynaha oo qaaday tallaabo ka dhan ah Isbaarooyinka Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xalay qaaday tallaabadiii ugu horeysay oo wax looga qabanayo isbaarooyinka daadsan meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa isbaarooyin badan oo gaadiidka lacag looga qaado, waxa ay u yaalaan degmooyin ay ka mid yihiin Xamar Weyne, Wadajir iyo Dharkenley.

Madaxweynaha ayaa xalay Villa Somalia kula kulmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Wadajir iyo Dherkenley Axmed Daaci iyo Macalin Cabdulle, si uu arrintaasi ugala hadlo.

Waxa uu madaxweynaha labada guddoomiye siiyay amar cad oo ugu sheegay in laga billaabo subaxan Isniinta ah, uusan maqli karin isbaarooyin u yaala ciidan dowladeed.

Labada guddoomiye ayaa si buuxda u aqbaly amarka madaxweynaha, waxayna ballan qaadeen inay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaadi doonaan Jidgooyooyinkaas.

Waa tallaabo kale oo madaxweynaha uu u qaaday wax ka qabashada dhibaatooyinka ciidamada ay ku hayaan shacabka, ayada oo sidoo kalena uu shalay sheegay in la dili doono askarigii dhacaa shacabka ama ku dhaqaaqa waxyaabo ay ka mid yihiin kufsiga.