M/Weynaha cambaareyay qarixi Islii

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxii xaley ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi xarunta waddanka Kenya.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlaayay garoonka diyaaradah Muqdisho, halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay ayaa sheegay in qaraxaas uu yahay mid Kenya looga soo horjeedo howlgalka nabad illaalinta ay ka wadaan Soomaaliya.

“Qaraxaas waa mid Kenya lagu leeyay maxaa ciidamo ugu dirteen Soomaaliya, laakin waxbo kama badali doona go’aankooda” ayuu yiri madaxweyne Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne ayaa tacsi u diray dowladda iyo dadka reer Kenya, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado uu yahay in la weerraro masaajid oo waliba dad cibaadeesanaya la qarxiyo.

Qarixii xaley ka dhacay masjidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii waxa ku dhintay shan qof oo labo ka mid ah ay maanta u dhinteen dhaawaca soo gaaray 13-kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalada ku yaalla magaalada Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho