Farmaajo iyo al-Sissi oo khadka Telefanka uga hadlay arrimo xasaasi ah

Qahira (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka ee Mena ayaa sheegtay inay wadahadleen Madaxweynayaasha Masar iyo Somali, kadib amni darida kusii baaheysa Somalia.

Abdel-Fattah Al-Sisi, Madaxwaynaha dalka Masar ayaa maalintii shalay oo arbaco aheyd qadka Telefanka kula hadlay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Abdel-Fattah Al-Sisi, oo wicitaanka ku hormaray ayaa dhigiisa u sheegay inay aaminsan yihiin midnimada Somalia iyo inay hesho awoodii Qaranimo ee lagu yaqiinay.

Abdel-Fattah Al-Sisi iyo Farmaajo mudadii ay kuwada hadlayeen khadka isla soo qaaday hanaanka lagu xoojin lahaa xiriirka labada dal, Amniga, Siyaasada iyo in leyska kaashto dhammaan waxyaabaha ku xeeran xiriirka.

Abdel-Fattah Al-Sisi, waxa uu Farmaajo uga hambalyeeyay isbedelada ka jira Somalia, markii laga soo tago dhibaatooyinka yaryar ee ka taagan magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in leyska kaashan doono si meel looga soo wada jeesto Kooxaha argagixisada ah.

Intaa kadib waxa ay si gaara uga wadahadleen arrimo khaas ah oo quseeya xaalada ka taagan Somalia iyo sida haboon ay dowlada Masar uga qeybqaadan laheyd.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa dhankiisa Al-Sisi ku ammaanay doorka Masar ay ka qaadaneyso xal u helida Somalia iyo taageerada ay u fidiso Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku waxbarta dalkaas.

Farmaajo waxa uu sidoo kale Al-Sisi ka dalbaday inay il gaara ku hayaan xaalada Somalia waxa uuna u cadeeyay inay ahmiyad gaara u leedahay inay garab dhan waliba leh ka helaan dowlada Masar oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah.

Dhinac kale, labada Madaxweyne ayaa isla gartay inay ahmiyad leedahay in la xoojiyo xiriirka Siyaasadeed si leyskula shaqeeyo isla markaana leysaga warqabo.

Caasimada Online
Xafiiska Qahira
Caasimada@live.com