Madaxweyne Cali Cosoble oo ku socda waddadii Axmed Madoobe

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabeele ayaa ku socdo waddadii Axmed Madoobe uu kusoo dhisay golahiisa wasiirada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marar badan baarlamaanka maamulkiisa ka codsaday in waqti dheeri ah la siiyo, waxaana ay qaadatay in ku dhawaad seddex jeer fursad la siiyaa.

Madaxweynaha maamulka HirShabeele ayaa markale baarlamaanka maamulkiisa ka codsaday iney fursad kale siiyaan si uu usoo dhisaa golaha wasiirada.

Madaxweynaha maamulka HirShabeele ayaa u diray baarlamaanka qoraal uu ku codsanayo in loogu daraa muddo labo dilood oo dheeri ah si uu usoo dhisaa golaha wasiirada maamulkaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegayaa in soo xulista golaha wasiirada maamulka HirShabeele ay hortaagan tahay doorashada sanadkaan ee madaxtinimada.

Waxaana madaxweynaha uu wadda latashiyo kala duwan,iyadoo la filayo in sanadka cusub lasoo dhameeyaa soo xulista wasiirada iyo ku dhawaaqidooda.

Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabeele ayaa aqbalay codsiga madaxweynaha maamulka HirShabeele waxaana loo kordhiyay muddo labo bilood ah.

Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
Caasimada@live.com