Madaxweyne Farmaajo oo amar dul dhigay maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka digay in maamulada dalka ay xal u heli waayan dagaalada ka dhex jira deegaanada ay maamulan.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in maamulada laga doonaayo inay xal waara u helaan colaadaha ka dhex aloosan deegaanada ay ka arimiyaan.

Waxa uu farta ku goday in colaadaha ka jira Gobolada ay yihiin kuwo u dhexeeya Soomaali lana doonaayo in laga gaaro xal kama danbeyn ah.

Waxuu cadeeyay in dadka ugu badan ee ku dhamaanaya dagaalada ay yihiin dad shacab oo xiliyadaasi ku guda jira raadinta nolol maalmeedkooda.

Farmaajo ayaa hadalkaani sheegay xili uu si guud uga hadlaayay dagaalka ka socda deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku taliyay in waxgaradka deegaanadaasi ay wadahadal ka dhex abuuran beelaha uu dagaalka u dhexeeyo.

Haddalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili dagaal beeloodyada ka jira Gobolada ay kusii faafayaan Gobolada nabdoon.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com