Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweyne Trump

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid kooban, oo cidna aysan ku wehlin, wuxuuna ka dhinac dhacay shirka dalalka muslimiinta iyo Mareykanka ee Riyadh.

Sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, waxaa kulanka intiisa badan xoogga lagu saaray arrimaha amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisa Soomaaliya u ballan-qaaday in Mareykanka uu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay uga adkaan lahayd kooxaha xagjirka ee carqaladda ka wada dalka Soomaliya.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale Farmaajo ka codsaday inay ku kulmaan Mareykanka, wuxuuna ballan-qaaday inuu casuumad rasmi ah usoo diri doono marka uu ku noqdo Washington.