Madaxweyne Farmaajo oo laba xil oo cusub oo madaxtooyada ah magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay labo la-taliyayaal oo ka mid noqon doona la taliyayaashiisa gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa labada la-taliyayaal ee cusub kasoo dhex xushay xubno dhowr ah oo horay uga soo shaqeeyay Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la-taliyihiisa dhanka arrimaha siyaasadda u magacaabay nin lagu magacaabo Cabdirisaaq Durqun, halka sidoo kalena uu la-taliye aan la shaacin xilkiisa gaarka ah u magacaabay nin lagu magacaabo Nuur Diinaarii.

Durqun ayaa horey u ahaan jiray agaasimihii madaxtooyada iyo la-taliyaha madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, halka Nuur Diinaari uu ahaan jiray agaasime ku xigeenka madaxtooyada xiligii madaxweyne Sheekh Shariif.

Diinaari waxa uu sidoo kale ahaa wakiilka Somalia ee IGAD, xilkaasi oo uu hayey laba sano, isaga oo sidoo kalena ka mid ah kooxda ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Xubnahan cusub ayaa ku biiraya la-taliyeyaasha dhowrka ah ee arrimaha kala duwan ee uu horey madaxweynaha u lahaa sida la-taliyaha amniga, waxaana ay madaxweynaha ka talo siin doonaan arrimaha ay khibradda u leeyihiin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com