Madaxweyne Farmaajo oo maanta Safar ka ah Muqdisho (Xagee ku socdaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu waddaa in maanta oo Axad ah ay u ambabaxaan magaalada Qaahira ee Caasimaddda dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Masar Cabdifataax Al-Sisi, oo dhawaan ay kuwada kulmeen shirka dalalka Islaamka iyo Mareykanka ee ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Masar ayaa si gaara uga wada hadli doona qodobo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, Amniga, Siyaasada iyo xiisada Khaliijka oo iminka gaarsiisan heerkii ugu xumaa.

Safarka Madaxweynaha ee dalka Masar ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka Masar, waxaana lagu wadaa in magaalada Qahira uu ku nagaan doono muddo Seddex cisho ah.

Sidoo kale, warqad kasoo baxday safaaradda Somalia ee dalka Masar ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu maalinta Isniinta ah la ka kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Qaahira.

Geesta kale, booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Masar ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com